Deni oo gaarey magaalada ay fatahaaduhu harqiyeen ee Qardho

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa goordhow wuxuu gaarey magaaladda daadadka xooggan ay harqiyeen ee Qardho, sidda uu ku dhawaaqay xafiiskiisa.

Ujeedka socdaalkiisa ayaa lagu tilmaamay "si uu ula qeybsado bulshada Qardho xaaladda ay ku sugan yihiin, u dhiirigeliyo Gurmadka socda, una arko khasaaraha iyo saameynta Roobka Biyaha watay".

Isla markiiba uu gaarey, wuxuu warbixin ka dhageystay mas'uuliyiinta degmadda, dhibaneyaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Sidoo kale, waxaa lagu soo waramay in uu kormeeray meelaha burburka xoogga leh uu gaarsiiyey saameynta Roobka biyaha watay.

Intaas kadib, madaxweyne Deni ayaa wuxuu ka qeybgalay Aaska dadkii ku geeriyooday daadkii xalay kusoo rogmaday magaaladda.

Inta illaa iyo haatan la xaqiijiyey, waxaa ku dhimatay musiibaaas lix qof oo shacab ahaa – saddex caruur ah, hal dumar ah iyo laba rag ah.

Qiimeynta horudhaca ah ee la sameeyay ayaa muujineysa in ku dhowaad 150 guri iyo goobo ganacsi ay ku burbureen fatahaadaha.

Xukuumadda ayaa durba waxay bilowday diyaarinta qorsheyaal ay kaga jawaabeyso dhacdadaan, iyaddoo bulshadda lagu booriyey in ay kaalin muuqata ka cayaaraan wax ka qabashada xaaladan soo korortay.

MUUQAALKA QARDHO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM