Deni oo guddiga sare u saarey xaalad amni ee Garowe

Image
Guddiga ayaa sameyn doona qiimeyn iyo kasoo talabixin hannaanka amniga lagu sugo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddi u magacaabay dardargelinta iyo kasoo talabixinta Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaan kan Caasimadda.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Deni oo lagu daabacay ciwaanka Madaxtooyadda ee Facebook-ga ayaa kusoo beegmay xilli magaala madaxda ay todobaadyadii dambe wajahdey amni darro.

Magacyadda xubnaha Guddiga ayaa kala ah:

1. Gen. Bashiir Cabdi Maxamed (Guddoomiye)

2. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole (Xubin) 

3. Cabdirisaaq Ciise Xuseen (Xubin) 

"Madaxweynaha ayaa faray dhammaan laamaha Amniga iyo Hay’adda kala duwan ee Dowladda in ay guddiga kala shaqeeyaan howsha loo xil saaray, una fududeeyaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda," ayaa la raaciyey digreetada.

Wareegtada ayaa la raaciyey: "Guddiga ayaa sameyn doona qiimeyn iyo kasoo talabixin hannaanka amniga lagu sugo, sidii loo joojin lahaa mukhaadaraadka iyo loona sii horumarin lahaa qosheyaasha amni ee dowliga ah".

Saddex dhacdo oo liddi ku ah amniga ayaa laga diiwaan-geliyey Garowe asbuucii hore. Falalkaas waxay soo cusbooneysiiyeen walaaca dadka qaar ka muujinayaan nabad-galyada magaala madaxda.

Garowe Online oo u kuur-galay ayaa la hadlay shacab iyo saraakiil ciidan. Maxsuulka baaritaanka waxay muujineysaa in sababta ay salka ku hayso maandooriyaha oo kusoo batay magaala madaxda.

Xukuumadda Deni ayaa ku guuleysatay ammaanka meelo ay ugu horeyso Gaalkacyo, dib-u-habeynta ciidamada soona saarto cutubyo horleh. Balse, waxaa muuqata in caasimadda uu amnigeedda sii liicayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM