Deni oo guddoomiye KMG ah u magacaabay hay'adda PHA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.28 September 29, 2021 kuna saabsan xil kaqaadis Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Cabdulqaadir Cali Xirsi ayaa, sida laga soo xigtey wareegtadan lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee Madaxtooyada, waxaa laga qaaday xilka Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Jagadan waxaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay in uu shaqada Hay’adda u sii wadaya, C/risaaq Maxamed Xayir, Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka, sida laga soo xigtay digreetadda.

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.28 September 29, 2021 kuna saabsan xil kaqaadis Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqooyinka baaxadda leh ee horyaala Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdulqaadir Cali Xirsi laga qaaday xilka Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

2. Waxaa si ku meel gaar shaqada Hay’adda u sii wadaya Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka.

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.


Xirsi oo sababsadey dhaleeceyn uu dhowaan warbaahinta u mariyey hay'adaha dowladda gaar ahaan waaxda maaliyada ayaa intii uu xilka hayey waxaa lagu eedeyay in uu horseeday is-qabqabsi iyo khilaaf.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM