Deni oo gudoomiye ku meel gaar ah u magacaabay degmada Taleex

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne oo ku taariikheysan 24,Luulyo, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee degmada Taleex.

Mas'uulka cusub ee jagadan loo dhiibay ayaa waxaa lagu magacabaa Iimaan Cali Shire, sidda ku xusan digteerada oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online.

Sidda ku xusun wareegtadda, madaxweynaha dowladda Puntland ayaa talaabadan u qaadey markii uu arkay baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka degmada Taleex.


WAREEGTADDA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr50 oo ku taariikheysan 24,Luulyo, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Taleex.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto Shaqada Maamulka Degmada Taleex.

Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Iimaan Cali Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Taleex.

Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


Tani ayaa waxay ka qayb ka tahay dib-u-habeyn balaaran oo lagu sameynayo hay'addaha kala duwan ee dowladda si bulshadda u gaarto adeegyadda aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM