Deni oo hortagaya baarlamaanka dowladda Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida todobadka soo aadan hor-tegeya Baarlamanka Puntland, sida lagu sheegey farriin-qoraaleed loo diray xildhibaannada.

Mudaneyaal ayaa u sheegey Garowe Online in madaxweynuhu golaha uga warbixinayo is-marin-waaga ka taagan doorashada Soomaaliya iyo mowqifka ay qaadan karto Puntland.

"Waxaan rajeynaynaa in warbixinta madaxweynuhu noqon doonto mid macluumaad badan ka siin doonta dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland xaalada cakiran ee dalku wajahayo," ayuu ku daray sharci-dejiye.

Mudane kale oo magaciisa uga gaabsaday sababo ku aadan in aan loo ogoleyn in uu u waramo warbaahinta ayaa kulanka Deni ku sifeeyay "mid taariikhda baal dahab ka geli doona".

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in madaxweynuhu uu sidoo kale latashiyo oa sameeyo siyaasiyiin iyo qeybo kale oo kamid ah bulshada, kolkaas kaddib ay Puntland soo saarto mowqifkeeda arrimaha taagan ee Soomaaliya.

"Kulanka baarlamaanka wuxuu bilow u ahay latashigaas. Mowqifka Puntland ee isgoyska ay haatan taagan tahay Soomaaliya wuxuu kusoo bixi doonaa qaab aad looga taxadaray," ayuu ku daray.

Madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ku dhowaad bil u joogay caasimada Muqdisho si loo dhameeyo is-faham-waaga. Balse, maamulka Farmajao wuxuu "diidey xal kasta oo kasoo jeediyey".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM