Deni oo isbedel ku sameeyay talisyada booliska Mudug, Karkaar iyo Nugaal

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo laba wareegto soo saarey ayaa isbedel ku sameeyay talisyada booliska gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug oo dhamaantooda hoostaga Puntland.

Hoos ka akhriso digreetooyinka

Madaxweynaha Puntland Oo isku bedelay Taliyeyaasha Qaybaha Booliska ee Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug.

Garoowe: 04 April 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid a Abdullaahi Deni ayaa soo saara, Xeer Madaxweyne Lr. 25 April 4, 2020, kuna saabsan isku bedel Taliyeyaasha Qaybaha Booliska Gobolada Nugaal iyo Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Qayabaha Booliska ee Gobolada Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Muumin Cabdi Shire loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug.

2. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Dhanka kale, waxaa madaxweynuhu Gaashaanle Sarre Cabdi Casayr Yusuf u magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, sidda lagu sheegay digreetada labaad ee isla maanta kasoo baxday xafiiskiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM