Deni oo ka dhawaajiyey qorshe ku saabsan booliska Puntland

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Deni ayaa habeenimadii Sabtida ka qayb galay munaasabad lagu xusay sanad guuradii 76-aad ee aasaaska Booliska Soomaaliya.

Xafladda oo lagu qabtay xarunta Taliska Guud ee Booliska Puntland ee Garowe waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire.

Xubno ka mid ah labada Gole ee Dowladda iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere ayaa kasoo muuqday munaasabadda.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Aw-muuse, Taliyaha Ciidamada Asluubta Dowladda Puntland Gen. Cali Nuur Cumar iyo marti kale ayaa qayb ka ahaa.

Deni ayaa markii uu gaaray madasha salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland, ka dibna waxaa si rasmi ah u bilaabatay munaasabada.

Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Booliska Puntland, iyaga, Xaasaskooda, Caruurtooda iyo Eheladooda.

Intii uu ku guda jiray hadal-jeedinta, hogaamiyaha Puntland ayaa ka sheekeeyay burburkii ka dib, sidda lagu aasaasay Booliska Puntland iyo mar-xaladihii ay soo mareen.

Gabagabadii, madaxweynaha ayaa xusay in xukuumadiisa uu haatan u socdo qorshe sarre loogu qaadayo tayadda iyo aqoonta ee ciidamada, Booliskuna uu safka hore kaga jiro.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM