Deni oo ka goos-qabsadey ka qeybgalka shirka wadatashiga qaranka

Image
Caasimada ku meelgaarka Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa marti-gelinaysa wadaxaajoodyadan masiiriga ah.

GAROWE, Puntland - Saciid Cabdullaahi Deni ayaa diidey ka qeybgalka shirka madaxda dowladda federaalka iyo maamulada oo Baydhabo ay martigelineyso March 15, 2023, sidda uu ogaadey mareega Garowe Online.

Madaxweynaha Puntland ee muddo xileedkiisa ay bilooyinka uga hareen ayaa xaadiritaanka wadahaladan masiiriga ah ka door-bidey karaar-siinta doorashadda halka dhinac ah ee goleyaasha degaanka.

"Haddii doodiisu aysan ahayn mid shaqsiyadeed, danta Puntland waxay ku jirtaa in uu miiska wadahadalka geeyo qadiyadaha uu ka gadoodsan yahay," ayay warsidaha GO u sheegeen illo wareedyo.

Fahfaahino madax-banaan oo laga helay darafyadda ka shaqeynaya qaban-qaabadda wadaxaajoodka ayaa intaas ku daraya in Deni uu gaashaanka ku dhuftey soojeedino dhexdhexaadin gudaha iyo dibadda.

"Hogaamiyeyaasha kale ee maamulada iyo madaxda federaalka ayaa la filayaa in ay kasoo qeybgalaan kulankan oo ajandihiisu muhiim u yahay dowlad dhiska," ayuu raaciyey xubin kamid ah guddiga qabanqaabada.

Macluumaadka la helayo ayaa muujinaya in ajandaha shirkan ay kamid tahay qorshaha amniga qaranka oo uu ku jiro wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo qabyo-tirka dastuurka Soomaaliya.

Deni ayaa ku dhawaaqay in xukuumadiisa ay hoos-u-dhigtey wadashaqeyntii kala dhaxeysay Villa Soomaaliya ka gadaal markii uu ka waayay dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo uu ula shir-tagay madaxda federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM