Puntland oo kalsoonida kala noqotay xubnaha baarlamaanka federaalka

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu mar kale ka hadlay xaalada kala dhaxeysa ku xigeenkiisa iyo doorashooyinka Soomaaliya ee dabayaaqada sanadka 2020-21.

Deni oo meesha ka saarey in uu Puntland ka jiro khilaaf sharci ah iyo mid siyaasi ah ayaa carabka ku adkeeyay in isaga io Axmed Karaash ay ka dhex-taagan tahay kala aragti duwanaan dhanka maamulka ah.

Shaqsiyaadka baraha bulshadda kawada marin-habaabinta iyo khalkhalgelinta dadweynaha iyagoo "si xun" u dhigaya sheekooyinka ku geedaaman "is-maan-dhaafka maamulka" ayuu cod dheer ugu digay.

Dhanka kale, Deni ayaa adkeeyay in coddeynta qorshuhu yahay in ay dalka ka dhacdo dhamaadka sanadkan aysan dib u dhicin.

Puntland ayuu si cad u sheegay in aysan ogolaan doonin dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka oo aanan heshiis mida laga gaarin.

Baarlamaanka haatan jira ee federaalka ayuu ka dhawaajiyey in Puntland ay kalsoonida kala noqotay isla markaana waajib ay tahay in hogaankeeda lagala tashado arrimaha masiiriga ah sidda doorashooyinka.

"Puntland, baarlamaanka hadda jira ee shacabku dooran ee xulashadda ku yimid oo waqtigiisu afarta bilood ka harsan tahay go'aan uma qaadi karaan, arrintaas si cad baan u sheegeynaa in lagu kadsoomana ma rabno; go'aanka Puntland dowladda Puntland ayuu yaalaa goleyaasheeda kala duwan iyo wax-garadkeeda, iyagana ayaana masiirkooda taladiisa ka qeyb-qaadan doono," ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Saciid Deni.

Xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku milmay laanta fulinta ama xukuumadda, taas oo meesha ka saartay isla xisaabtanka.

Baarlamaanka ayaa la filayaa in dhowaan ay warbixin ka dhageystaan Guddiga doorashooyinka Qaranka oo wajahaya eedeymo ku saabsan in uu ka gaabiyey diyaar-garowga iyo "xalaaleynta muddo kororsi".

Doorashooyinka dalka ee dhamaadka sanadkan ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse xisbiyadda mucaaraadka iyo maamulada dalka qaar waxay sheegeen in laga gaabiyey u diyaar-garowga cod-bixintaas.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khasaaro ka dhashay shil gaari oo ka dhacay degmada Dangoronyo

Shilkaan ayaa ku soo beegmaya kadib markii xalay Roobab daadad wata ay ka da'een Gobalada Puntland.

  • Puntland

    05-05-2024

  • 12:57PM

UK oo bilowday wadahadal ku saabsan inuu toos ula macaamilo Puntland

Dowladda Puntland ayaa horey u dalbatay in si gaar ah ay ula macaamisho beesha Caalamka.

  • Puntland

    05-05-2024

  • 09:51AM