Deni oo ka hor yimid ka qeyb galka ciyaartoyda Puntland ee tartanka Dowlad-Goboleedyada

Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha muddu xileedkiisa dastuuriga ah sii dhamaaanayo, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa diiday in xulka Puntland ay ka qeybgalaan tartanka maamul goboleedyada ee lagu wado in lagu qabto caasimadda Muqdisho.

Go’aankan ayaa fajaciso ku noqday bahda ciyaaraha Puntland, iyadoo xiriirku uu doonayay inay ka qaybgalaan tartankan oo ay deegaankooda ku metelaan tartanka.

Dadka wax indha-indheeya ayaa ku micneynaya diidmada Madaxweyne Deni in ciyaartoyda Puntland ay ka qeybgalaan tartanka arrimo siyaasadeed oo u dhaxeeya isaga iyo DF ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Caawa ayaa la filayaa in la qabto isku aadka tartanka oo ay ka qeyb galayaan Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo maamulka SSC-Khaatumo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM