Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiirkii Waxbarashadda Jubbaland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Wasiirkii Waxbarashadda Jubaland, Macalin Maxamed Ibraahim, ee ku geeriyooday gudaha Hindiya.

Sidda lagu xusay qoraal kasoo baxay madaxtooyada, Deni ayaa murugada la wadaagaya ummadda Soomaaliyeed, Dowladda iyo shacabka Jubbaland, eheladii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay.

Bayaanka Madaxtooyadda

Madaxweynaha Puntland oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim.

Madaxweyne Deni "Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waxaan uga tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, Dowladda iyo shacabka Jubbaland, eheladii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim oo ku geeriyoodey dalka Hindiya. Marxuumku waxa uu dalkaasi u tegey xaalad caafimaad.

Waxaan dareenka tiiraanyadaasi la wadaagayaa masuuliyiinta Jubbaland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, qoyskiisii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tegey Marxuumku, Rabbi samir iyo iimaan haynaga-siiyo dhammaanteen, wuxuu ahaa masuul Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaan Alle u waydiinayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa."


Sikastaba, marxuumka oo aysan kala caddeyn in lagu aasi doono gudaha Hindiya ama loosoo qaadi doono magaaladda Kismaayo ayaa ku dhowaad shantii bilood ee lasoo dhaafay lagu daaweynayey waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM