Deni oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dhacdadii baarlamaanka

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah wuxuu kulan Qado sharaf ah u sameeyay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Sii-hayaha Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Nuur Ciise Maxamed , Xildhibaanada Baarlamaanka, Golaha Wasiirada iyo xubno kale ayaa kasoo muuqday.

Deni ayaa ujeedka kulanka ku macneeyay xoojinta wada shaqeynta Goleyaasha Dowladda, uuna hordhac u yahay kulamo wadashaqeyn oo joogto noqonaya.

"...si loo gaaro horumarka Puntland iyo in dadka la gaarsiiyo adeeygada dowliga ah ee asaasiga ah," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

Dadka ayuu xasuusiyey dhismihii Puntland, dedaalkii iyo wakhtgii lagu bixiyey in ay noqoto meel ka duwan Soomaaliya inteeda kale oo hormuud u noqotay dalka dhinac walba.

Madaxweynaha ayaa cod dheer wuxuu ugu baaqay adkeynta midnimada, ka shaqeynta amniga iyo horumarka dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Mudane Deni ayaa u tacsiyadeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadii dhowaan ka dhacday xarunta Baarlamaanka Puntland, isagoo eebe uga baryey inuu janadii geeyo eheladoodiina samar iyo iimaan ka siiyo.

Gabagabadii, si gaar ah Madaxweynuhu wuxuu u xusay, Alla Ha únaxariistee, Marxuum Cabdikariim Dhegaweyne oo ahaa mulkiilihii xarunta Hida-raac oo qadada ah lagu qabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM