Deni oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Shaafi Raabi Kaahin

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga maamulka Jubaland, Shaafi Raabi Kaahin.

Marxuumka ayaa ku naf-waayey weerar is-qarxin ah oo argagixsada Al-Shabaab kula eegatay caasimada ku meelgaarka Jubaland gaar ahaan banaanka Masjid kadib Salaadii Jimcaha.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Deni ayaa lagu sheegay in uu murugada iyo tiiraanyada la wadaagayo qoyska marxuumka, una rajeynayo soo kabasho deg-deg ah dhaawacyadda kale.

"INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Shacabka Puntland, iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa tiiraanyada la wadaagay shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timi Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax ay argagixisadu soo maleegtey maanta, kaasi oo ka dhacay Kismaayo," ayaa lagu yiri.

Bayaanka ayaa la raaciey: "Madaxweyne Deni ayaa Alle SWC u waydiiyey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumka, isaga iyo muwaadiniinta kale ee ku waxyeelowdey qaraxaasi, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubaland, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii, uu ka baxay marxuumku".

"Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey intii dhaawacantay inuu u booga dhayo," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Ugu yaraan saddex saddex ruux uu ku jiro naftii-haligaha iyo arday kaalinta labaad ka galay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dowladda federaalka ayaa la xaqiijiyey in dhacdadaan ay ku geeriyoodeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM