Deni oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Yuusuf Qaxiye Ciise

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa  ka tacsiyeeyay geerida Yuusuf Qaxiye Ciise, gudoomiyihii degmada Qandala ee Gobolka Bari oo maanta ku geeriyooday magaaladda Boosaaso.

Ma jiro war rasmi ah oo lagu xaqiijinayo sababta dhabta ah ee ka dambeysa geerida marxuumka, wallow warar kala duwan oo aanan la hubin ay kasoo baxayaan wuxuu u geeriyooday.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda dowladda Puntland oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa naxariista EBBE waxaa loogu rajeeyay marxuumka.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Qandala ee Gobolka Bari, Yuusuf Qaxiye Ciise oo ku geeriyoodey maanta Boosaaso," ayaa lagu yiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Alle ha u naxariiste Yuusuf Qaxiye Ciise wuxuu ahaa masuul shaqo wanaagsan soo qabtay, Madaxweynaha ayaa tacsida la wadaagay shacabweynaha Puntland gaar ahaan bulshada Gobolka Bari".

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu Alle "SWC" uga baryayaa Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, hoygiisana ka yeelo Jannatu Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku," ayaa lagu soo xiray.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in marxuumka lagu aaso mid kamid ah qabuuraha ku yaala magaalada Boosaaso, halkaasoo ay duugtiisa kaga qeybgeli doonan mas'uuliyiin isugu jirta heer, degmo, degaan iyo gobol.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM