Deni oo ka warbixiyey shirka doorashadda ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Axada maanta ah wuxuu bogaadiyey daahfurka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka goleyaasha degaanka.

Dadweynaha ayuu ku tartarsiiyey in ay kawada qeybgalaan hanaanka dimuqraadiyadeed Ururada siyaasadda ayuu ku tartarsiiyey in ay si wadajir ah shacabka ugu wacyigeliyaan is-diiwaan-gelinta.

Sidoo kale, ururada siyaasadeed ayuu sidoo kale wuxuu ku waaniyey in ay garab-istaagaan Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, isaga oo si ballaaran u rajeeyay in coddeynta ay waqtigeeda ku dhacdo.

Deni ayaa fariintan kasoo diray caasimada Muqdisho halkaasoo uu kaga qeybgalayo wadaxaajoodyadda doorashooyinka Soomaaliya oo uu horkacayo ra'iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Rooble.

Deni oo si kooban uga warbixiyey wadahadaladda bilowday Sabtidii shalay ahayd ayaa hoosta ka xariiqay in jawga uu illaa haatan ku socdo uu yahay mid hagaagsan, wuxuuna rajeeyay in xal loo helo.

"Waxaan rajeynayaa in wadada uu hadda hayo in ay keeni doonto in khilaafaad badan oo horey u jiray ay soo afjari doonto dalkana doorasho degan uu geli doono," ayuu xusay Deni oo dalka u rajeeyay wanaag.

Shirka Muqdisho oo ka soconaya Hangarka Ciidamadda Cirka ee Afasiyooni ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyaan todobaadkan - haddii isbedel lama filaan ah uusan imaan - lagana soo saaro heshiis doorasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM