Deni oo kasoo horjeestay wareegtooyinka uu faafiyey Karaash

Image
Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa magacaabay 18 agaasime iyo laba guddoomiye gobol.

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa sheegay in aysan dhaqan gal ahayn dDigreetooyin uu maanta soo saaray ku xigeenkiisa Ahmed Cilmi Cusmaan Karaash.

"Waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya," ayuu yiri.

Karaash ayaa maanta soo saarey wareegtooyin uu ku magacaabay 18 agaasime oo kamid noqonaya xukuumadda Puntland iyo gudoomiyeyaasha laba gobol oo hoostaga maamulkan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.

Haddaba, waxaan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland.


Deni ayaa haatan ku sugan Muqdisho isaga oo u ordaya madaxtinimada Soomaaliya. Warar madax-banaan waxay sheegayaan in kadib doorashadda guddoonka golaha shacabka uu ku laabanayo Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM