Deni oo kormeeray qalabka lagu dhisayo dekedda Garacad

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray qaar kamid ah qalabka lagu dhisayo Dekedda Garacad oo soo gaaray Magaalada Gaalkacayo.

Munaasabadda kooban oo lagu qabtay goobta qalabka la keenay oo ahayd Laanta Dusmada ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Isimo, Nabadoono, Ganacsato, guddiga dhismaha dekedda Garacad iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni oo Munaasabadda ka hadlay ayaa aad ugu dheeraday muhiimadda ay Puntland u leedahay Dhismaha Dekedda Garacad

“Qalabkan oo Dowladda Puntland dhammaanteed, gaar ahaan gobolka Mudug ay mudo dheer sugayeen inaan maanta halkan iyada oo nabad qabta iyo anagoo nabad qabna aan iskugu nimaadno waa guul xag Alle ka sugnaatay, mashaariicdan waaweyn oo hada laga sheekeeyey kuwa hada socda iyo kuwa imaan doona intaba dedaalka dad weynaha iyo Dowladda oo is kaashaday ayey ku hirgaleen”

“Waad ogtihiin mashaariicdaas bilowgeedii xukuumadihii naga horeeyey ayaan uga mahadcelinaynaa haday ahaan lahayd Dekedda, haday ahaan lahayd garoonka diyaaradaha iyo kastamkaba, Dowladnimadu waa qori isku dhiib, qofka sharci baa lagu doortaa sharci buuna ku shaqeeyaa, sharcigaana faraya in uu danahaa dalka ka shaqeeyo”Ayuu Yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Puntland State House

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM