Deni oo ku adkaystay Doorasho lagu muran-san yahay

Image

Garowe-Madaxweynaha Puntland ee Xil-hayntiisa Dastuuriga ah ay maalmaha ka harsan yihiin, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa caawa ku dhawaaqay in keliya ay Xukuumadiisu ay doonayso in Puntland ay ka qabsoonto Doorashada lagu muran-san yahay ee ay qaadaceen Dallada Mucaaradka Puntland.

Deni oo ay Garbihiisa taagan yihiin xubno ka socday ururada siyaasadda ee kula socdka Doorashooyinka lagu muran-san yahay ayaa hadal uu Madaxtooyada ka jeediyay ku yiri '' waxaan adkaynaynaa in Doorasho qof iyo cod ah ay Puntland ka qabsoonto taasi oo lamid ah midii horey uga dhacday Degmooyinka''

Isimada SSC Khaatumo oo Garowe u joogay xal ka gaarista arinta Doorashada iyo Mucaaradka ayaa ku guuleystay in ay ka saaraan gudaha magaalada ciidamada Kumaandooska Danab kuwaasi oo sheegay in ay kasoo horjeedaan mudo kororsiga. Xubnaha Madasha Mucaaradka ayaa ku dhawaaqay maantadii hore in ay dib u dhigeen magacaabista guddiga Xalinta Khilaafaadka si ay fursad u siiyaan Waan-waanta dhaqanka.

''Waan-waanta iyo Wadahadalka cidna cid kama xigto'' ayuu hadal jeedintiisa raaciyay Deni taasi oo la rumeysan yahay in uu ugu Duur-xulayo Isimada iyo Waxgaradka Waan-waanta wada.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan oo ah Gudoomiye xigeenka Ururka KAAH ayaan isagu ka qeyb galin shirka jaraaid ee caawa iyada oo Ilo-xog ogaal ah sheegayaan in Karaash ku adkaystay ka war sugida dadaalada Isimada SSC-Khaatumo.

Golaha Wakiilada ee Puntland gaar ahaan guddiga xeerka Doorashooyinka oo uu Gudoomiye u ahaa Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad ayaa dhawaan soo jeediyay in la qaato guddoonkii Isimada Puntland kaasi oo ahaa in lagu qabto Doorasho la isla ogol yahay wakhtigeeda isla markaana lagu doorto 66-dii Xildhibaan.

Mudanayaasha Wakiilada oo Dhawaan fadhi xiran arintaas ka yeeshay ayaa ku adkaystay in aan golaha lagu soo celin karin xeerkaas isla markaana uu ku gudbay sida guddigii loo xilsaaray ay soo jeediyeen.

Urur siyaasadeedka Mustaqbal oo isagu Gudoomiyihii, Xildhibaan Cabdicasiis Siibad uu horey kamid ahaa Ururo soo jeediyay in Doorashada Madaxtinimada Puntland aanay Qof iyo Cod ku dhici karin ayaan kasoo muuqan Kulanka Caawa.

Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa maanta soo gaaray Ganacsato, Nairobi ka yimid kuwaasi oo kusoo biiray dadaalada xal u helista muranka Doorashooyinka.

Ugaas Maxamed Ugaas Axmed iyo Guurti lasocota oo iyaguna ka yimid magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa ku sugnaa Garowe maalmihii u danbeeyay iyaga oo la rumeysan yahay in ay xoojinayeen dadaalada socda.


Sidoo kale Madasha Mucaaradka Puntland ayaa maanta kulan la qaatay Ganacsatada Puntland balse dhamaan Dadaaladii socday waxaa lagu micneeyay kuwo uu Biyo ku shubay madaxweynaha Xil-hayntiisa Dastuuriga ah ay sii dhamaanayso kaasi oo ku adkaystay Doonistiisa Muddo kororsiga isla markaana ka hor dhacay wax kasta oo la filan karay.

GaroweOnline.

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM