Deni oo ku baaqay in la is-cafiyo Ciidda Carafo owgeed

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyo ku aadan munaasabadda Ciidda Carafo wuxuu u diray bulshadda Muslimiinta si gaar ah shacabka Soomaaliyeed.

Deni oo xusay in Ciiddan ay tahay mid weyn ayaa wuxuu shaaciyey in la filayo in fadligeeda ay Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida quluubtooda isu furanto.

Isaga oo kasoo muuqday muuqaal ay baahisay Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayuu sidoo kale xujeyda Soomaaliyeed ALLE u waydiiyey in uu ka aqbalo acmaashooda.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu si gaar ah wuxuu ugu tartarsiiyey in ay isa-saamaxaan, isla markaana isu soo dhowaanshiyo badan ay muujiyaan.

"Waxaan u rajeynayaa dhamaan Ummadda Muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntlandba in ay farxad ku ciiddan, isna saamaxaan, quluubtoodana isku furaan," ayuu tibaaxay.

Madaxweynaha oo la dardaarmaya Soomaalida ayaa intaasi ku daray: "Waa in si ay ku jirto Soomaalinimo, Islaanimo u fiiriyaan mustaqbalka".

Isaga oo ALLE ka baryaya, Deni ayaa wuxuu dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu u rajeeyay cimri dheer, cibaado suuban, amni iyo horumar.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha ayaa dadka dhiban ALLE uga tuugay in uu ka dulqaado culeyska haysta, isla markaana inta hagar-daamadda ku waddana uu EBBE ka qabto dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM