Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta ka qeybgalay bandhiga Ciidan ee diyaargarowga wejiga Labaad ee Argagixisada looga sifaynayo Buuralayda Cal-miskaad, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidanka ku sugan Cal-miskaad guulaha waaweyn ee ay ka gaareen wejigii koowaad ee hawlgalka.

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geesiyaashii ku shahiiday intii uu socday wejiga koowaad ee hawlgalka ka socda Cal-miskaad, intii ku dhaawacantayna wuxuu allaah uga baryay in caafimaad dhameystiran.

Madaxweynaha ayaa siweyn ugu boggaadiyey isku duubnida iyo garab Istaaga Ciidan ee ay sameeyeen dadka reer Puntland intii uu hawlgalka socday. Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Haweenka Puntland oo gabar istaag iyo dhiirigelin la garab taagan Ciidanka tan iyo markii uu bilowday Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Munaasabadda diyaargarowga wejiga labaad ee hawlgalka argagixisada daacish looga ciribtirayo Cal-miskaad, waxaa lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan Ciidanka Dowladda Puntland oo soo dhameystay tababar gaar ah, isla markaasina ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona wejiga labaad ee Howlgalka ka socda Cal-miskaad.

- DHAMMAAD-

Related Articles

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM