Deni oo ku hungoobay inuu is-hortaago diyaarad Mareykan ah

Image
Cadaadis uga yimid saraakiil ammaan ayaa sababay in uu madaarka Gaalkacyo u fasaxo helicopters-ka.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku hungoobay in uu ka hortago in diyaarado Ameerikaan ah nooca qumaatiga u kaca ay ku dagaan garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in Deni uu ka laabtey go'aankan kadib markii cadaadis uga yimid saraakiisha ammaanka Puntland ee gobolka Mudug.

"Saraakiishu waxay u sheegeen madaxwaynuhu in haddii uu doonayo in uu is-hortaago diyaaradaha uu kala hadlo safaaradda Mareykanka arrintaas oo uu ka walaacay," ayay GO u sheegeen saddex illo wareed.

Diyaaradaha ayaa la rumeysan yahay in ay sahay u sideen ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ee Mareykanka u tababaray la dagaalanka Al-Shabaab.

Ciidanka sahayda loo waday oo kaashanaya dadka degaanka ayaa xoogaga gacansaarka la leh shabadda Al-Qaacida waxay kula dagaalamayaan degaano hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

"Madaxwayne Deni wuxuu aaminsan yahay in diyaaradahan uu soo direy madaxwayne Xasan Sheekh sababtaas darteeda ayuuna isku-dayay in uu u baajiyo duulimaadkooda," ayay xuseen illo wareedyadda.

Deni ayaa mudadii uu hayey xilka madaxweynaha Puntland wuxuu soo bandhigay hab-dhaqan ah in aan la fulin karin amar ama go'aan uusan ogayn xafiiskiisa taasoo dib-u-dhac u keentey hay'adaha dowliga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM