Deni oo ku hungoobay inuu is-hortaago diyaarad Mareykan ah

Image
Cadaadis uga yimid saraakiil ammaan ayaa sababay in uu madaarka Gaalkacyo u fasaxo helicopters-ka.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku hungoobay in uu ka hortago in diyaarado Ameerikaan ah nooca qumaatiga u kaca ay ku dagaan garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in Deni uu ka laabtey go'aankan kadib markii cadaadis uga yimid saraakiisha ammaanka Puntland ee gobolka Mudug.

"Saraakiishu waxay u sheegeen madaxwaynuhu in haddii uu doonayo in uu is-hortaago diyaaradaha uu kala hadlo safaaradda Mareykanka arrintaas oo uu ka walaacay," ayay GO u sheegeen saddex illo wareed.

Diyaaradaha ayaa la rumeysan yahay in ay sahay u sideen ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ee Mareykanka u tababaray la dagaalanka Al-Shabaab.

Ciidanka sahayda loo waday oo kaashanaya dadka degaanka ayaa xoogaga gacansaarka la leh shabadda Al-Qaacida waxay kula dagaalamayaan degaano hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

"Madaxwayne Deni wuxuu aaminsan yahay in diyaaradahan uu soo direy madaxwayne Xasan Sheekh sababtaas darteeda ayuuna isku-dayay in uu u baajiyo duulimaadkooda," ayay xuseen illo wareedyadda.

Deni ayaa mudadii uu hayey xilka madaxweynaha Puntland wuxuu soo bandhigay hab-dhaqan ah in aan la fulin karin amar ama go'aan uusan ogayn xafiiskiisa taasoo dib-u-dhac u keentey hay'adaha dowliga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM