Deni oo kulan la qaatay wafdi ka socda Hay'adda WFP

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka socda Hay'adda WFP oo uu hogaaminayey Madaxa Hay'adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo.

Kulanka Madaxweynaha iyo saraakiishaasi waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Af-hayeenka Madaxtooyada iyo la-taliyayaal.

Muhiimadda kulanka ayaa ahayd is xogwaraysi guud, wadashaqaynta Dowladda iyo Hay'adda WFP, Arrimaha bini'aadamtinimada iyo isbarasho maadaama Madaxa Hay'adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo shaqada ku cusub yahay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu horayn qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey saraakiisha Hay'adda WFP, waxaana uu si gaar ah ugu soo dhoweeyey Soomaaliya, gaar ahaan Puntland Mr. Cesar Arroyo oo dhowaan la soo magacaabay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa ku amaanay WFP shaqada balaadhan ee ay ka hayaan dalka, waxaana uu ku booriyey inay halkaasi kasii ambaqadaan oo sii laba jibaaraan shaqooyinka lixaad ka leh ee ay ka hayaan Puntland iyo guud ahaan dalka oo dhan.

Madaxa Hay'adda WFP Mr. Cesar Arroyo ayaa dhankiisa ka mahadnaqay qaabilaadda Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee ku wehelinaayeyba kulanka, waxa uu balanqaaday inuu si daacad ah u gudandooni maajibaadkiisa shaqo.

Puntland State House

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM