Deni oo kulan la qaatay wafdi ka socda Hay'adda WFP

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka socda Hay'adda WFP oo uu hogaaminayey Madaxa Hay'adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo.

Kulanka Madaxweynaha iyo saraakiishaasi waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Af-hayeenka Madaxtooyada iyo la-taliyayaal.

Muhiimadda kulanka ayaa ahayd is xogwaraysi guud, wadashaqaynta Dowladda iyo Hay'adda WFP, Arrimaha bini'aadamtinimada iyo isbarasho maadaama Madaxa Hay'adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo shaqada ku cusub yahay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu horayn qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey saraakiisha Hay'adda WFP, waxaana uu si gaar ah ugu soo dhoweeyey Soomaaliya, gaar ahaan Puntland Mr. Cesar Arroyo oo dhowaan la soo magacaabay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa ku amaanay WFP shaqada balaadhan ee ay ka hayaan dalka, waxaana uu ku booriyey inay halkaasi kasii ambaqadaan oo sii laba jibaaraan shaqooyinka lixaad ka leh ee ay ka hayaan Puntland iyo guud ahaan dalka oo dhan.

Madaxa Hay'adda WFP Mr. Cesar Arroyo ayaa dhankiisa ka mahadnaqay qaabilaadda Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee ku wehelinaayeyba kulanka, waxa uu balanqaaday inuu si daacad ah u gudandooni maajibaadkiisa shaqo.

Puntland State House

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM