Deni oo la kulmay Guddiga diyaarinaya Shirka Maalgashiga Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe kulan kula qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Guddiga qabanqaabada Shirka Maalgashiga.

Kulanka Madaxweynuhu la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa ahaa is xogwareysi guud, Ururada Bulshadu waxay uga mahadceliyeen Madaxweynaha qaabilaadda.

Waxay soo dhoweeyeen magacaabidda Golaha Sare ee La-talinta Madaxweynaha iyo tallaaboyinka kale ee Dowladdu qaaday sida arrimaha Ciidamada, la dagaalanka Musuq maasuqa iyo qorsheyaasha maalgashi.

Madaxweynaha oo dhegaystay tallooyin ay soojeediyeen Ururada Bulshadu ayaa wuxuuu bogaadiyey shaqada ay bulshada u hayaan Metelayaasha Ururada Bulshada.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Deni ayaa kulan la qaatay Guddiga diyaarinaya Shirka Maalgashiga Puntland oo loo muddeeyay 15-17ka, September, 2019.

Madaxweyne Deni ayaa Guddiga ka dhegaystay warbixin ku saabsan Shaqada u qabsoontay iyo sida ay u socoto diyaarinta Shirka Maalgashiga Puntland.

Shirka Maalgashiga Puntland oo uu dhowaan si rasmi ah u shaaciyey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ah shir lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM