Deni oo la kulmay madaxda Ururada Siyaasada iyo Bulshada Rayidka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan la qaatay Ururada Bulshada, Madaxda Ururada Siyaasadda, Aqoonyahanada iyo Waxgaradka Puntland.

Madaxweynaha ayaa Bulshada uga warbixiyey xaaladda guud ee Puntland, shaqooyinka dowliga ah ee laqabtay sida tayeynta Ciidamada, horumarinta hanaanka maaliyadda iyo hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan oo meel wanaagsan maraya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la wadaagay aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada, Shirkii Dowladdu ka qeybgashay ee Dhuusamareeb kaasi oo looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo sida Puntland u wajahday. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale bulshada usoo gudbiyey shaqadii wanaagsaneyd ee laga soo qabtay Gobolka Mudug iyo safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa dhegaystay fekradaha iyo talo soojeedinta xubnaha kulanka ka qeybgalay, dhammaantoodna waxay ka mahadceliyeen kulanka, iyagoo muujiyay sida ay Dowladda ugu garabtaaganyihiin marwalba arrimaha gudaha ee Puntland iyo doorka Puntland ee arrimaha Soomaaliya.

Madaxda Ururada Siyaasada Puntland oo kulanka ka hadlay, waxay Madaxweynaha uga mahadceliyeen ka dhabeynta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, oo caawa ay afkaartooda iyo talooyinkooda kusoo gudbinayaan iyaga oo metelaya Ururada Siyaasadeed ee Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u mahadceliyay dhammaan xubnaha kulanka kasoo qeybgalay, si gaar ah wuxuu Madaxweynuhu bogaadiyey doorka Ururada Bulshada Rayidka ah ku leeyihiin Dowladdnimada, iyo sida ay marwalbo uga qeyb qaataan marxalad kasta oo markaasi la marayo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxtooyada Puntland

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM