Deni oo la kulmay wafdi uu horkacayo ergayga EU-da

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu Madaxtooyada magaalada Garowe kula kulmay wafdi ka socda Midowga Yurub.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda, kulankaas ayaa diiradda lagu saarey xaaladda guud ee Soomaaliya oo ay kamid tahay arrimaha haatan ka taagan khilaafka doorashooyinka.

Wafdiga waxaa horkacayey ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u fadhiya magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, diblumaasiga lagu magacaabo, Nicolás Berlanga Martínez.

Danjireyaasha dalalka Talyaaniga iyo Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Alberto Vecchi iyo Staffan Tillander, ayaa kamid ahaa wafdiga oo si heer sarre ah loogu qaabilay Qasriga Madaxtooyadda.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe, Wafdi kasocda Midowga Europe oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez, ayna ka midyihiin Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander," ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Kulanka oo ay Madaxweynaha kala qeybgaleen Wasiirada Wasaaradaha arrimaha Gudaha, Qorsheynta iyo Wafaafinta, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya".
 
Kulankan ayaa kusoo hagaagay saacado kadib markii madaxwayne Deni uu ka dhawaajiyey in Beesha Caalamka iyo Soomaalida loo baahan yahay in ay kawada shaqeeyaan in dalka uusan dib u laaban.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM