Deni oo maamul cusub u magacaabay gobolka Nugaal

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu maamul cusub oo rasmi ah uu u magacaabay gobolka Nugaal, sidda ay warisay Madaxtooyadda Puntland.

Cawil Axmed Maxamed ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Qaasim Maxamed Cabdi waxaa laga dhigay ku-xigeenka 1aad, halka Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed laga dhigay labaad.

Wareegtada magacaabida


Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa.

Garoowe : 13 April 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.30 April 13,2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cawil Axmed Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

2. Waxaa Qaasim Maxamed Cabdi loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Nugaal

3. Waxaa Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Nugaal.


Gudoomiyihii gobolka Nugaal ayaa ku dhintay weerar is-miidaamin oo Al-Shabaab ay ka fulisay Garowe, waxaana laamaha ammaanka ay ku raadjoogaan shabakad la xusay inay maleegtay falkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM