Deni oo maamul ku meelgaar ah u magacaabay Qardho

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa kala diray golaha degaanka Qardho ee "waqtigooda uu dhamaadey".

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26 ee 12ka September 2021 oo ku saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qardho.

Sidoo kale, isla digreetadan lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee Madaxtooyada Puntland ayaa lagu magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen Degmada Qardho.

Maxamed Faarax Abdiseed (Buraale) ayaa, sida laga soo xigtay wareegtadan, waxaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Degmada Qardho.

Sidoo kale, waxaa Maxamuud Maxamed Ciise si ku meel gaar ah loogu magacaabay in uu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Deni ayaa talaabooyinkan u cuskadey "in ay dhamaatay muddo xileedka Golaha Deegaanka Degmada Qardho" iyo "Aqoonta, kartidida iyo waayo-aragnimadooda shaqo ee mas'uuliyiinta cusub ee uu soo xushay".

Hoos ka akhriso wareegtadda

Garoowe: 12 September 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26 ee 12ka September 2021, kuna saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qardho iyo Magacaabid Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen Degmada Qardho.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu garawsaday: In ay dhamaatay muddo xileedka Golaha Deegaanka Degmada Qardho

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda, kartididooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala direy Golaha Deegaanka Degmada Qardho

2. Waxaa Maxamed Faarax Abdiseed (Buraale) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Qardho.

3. Waxaa Maxamuud Maxamed Ciise si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Qardho.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


Kala deride Golihii Deegaanka ee magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa timid xilli magaaladaasi u diyaar garoobeyso doorashada golayaasha degaanka.

Sikastaba ha ahaatee, madaxwayne Deni ayaa hore u kala diray Golayaasha Deegaanka ee Boosaaso, Gaalkacayo iyo magaalooyin kale ku waa oo aan weli loo dhisin Gole Deegaan, muddo badanna sugaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM