Puntland iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay amniga iyo siyaasada

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Ergayga Midowga Europe uu dhowaan usoo magacaabay Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka midyihiin ku xigeenkiisa Fulgencio Garrido Ruiz oo hada xafiiska baneenaya iyo Masuuliyiin kale.

Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ergayga Midowga Europe Ambassador Martinez, waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland sida Amniga, Siyaasada, Mashaariicda Horumarineed ee Midowga Europe ka fuliyo Puntland iyo arrimaha bani’aadantinimada.

“Waxaan Puntland hadaan nahay u sheegnay una cadeynay inaan marwalba diyaar unahay inaan qeyb libaax-leh ka qaadano dib-udhiska Soomaaliya, ku dhisan Midnimadii Soomaaliya, ku dhisan Nidaamka Federaaliga ah ee ay qaadatay. Waxaan marwalbo rajeynaynaa in Puntland doorkeedu uu caddaado, dadkeeda ay u adeegto, Soomaaliya ay ka qeybqaadato sidii horumar waara ay u gaari lahayd oo ku dhisan Nidaam iyo Sharci, iyadoo la tixgelinayo marxaladaha Siyaasadeed ee hada la marayo, Waxaan rajeynaynaa in muddada uu joogo uu qeyb ka qaadan doono dhismaha Siyaasada, Amniga iyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland soo dhoweynta, Wafdiga Midowga Europe ka socda ayaa inta ay socdaalka ku joogaan Garoowe, waxaa ay kulamo la qaadanayaan qaar ka mid ah Wasaaraddaha Dowladda sida Maaliyadda iyo Qorsheynta oo ay kala hadli doonaan Mashaariicda socda ee Midowga Europe fulinayo iyo kuwa cusub ee la qorsheynayo.

Madaxweyne Deni waxaa kulanka ku weheliyay Wasiirka Amniga Cabdisamad Galan, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Maxamed Xasan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Agaasimaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif iyo Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Jaamac Dabaraani.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Puntland State House

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM