Deni oo magacaabay Guddiga dardargelinta Ganacisga Puntland

Image
Waajibaadka guddigan waxaa kamid ah qiimeynta iyo ka talo bixinta dib u habeynta iyo tayeysiinta Maxjarada Xoolaha ee Puntland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isagoo ka duulaya barnaamijka wax-qabadka xukuumadda ee Hormarinta Wax-soo-saarka iyo kobcinta Dhaqaalaha, wuxuu xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin u magacaabay Guddiga dardargelinta Ganacisga Puntland.

Magacyada Xubnaha Guddiga:

1. Wasiir. Maxamed Faarax Maxamuud Guddoomiye
2. Wasiir. Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux) Xubin
3. Wasiir. Shaakir Maxamed Guuleed Xubin
4. Wasiir. Axmed Shire Siciid Xubin
5. Mudane. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin
6. Mudane. Dr. Carshe Maxamed Siciid Xubin

Waajibaadka Guddiga:

1. Qiimeynta iyo ka talo bixinta dib u habeynta iyo tayeysiinta Maxjarada Xoolaha ee Puntland si kor loogu qaado dhoofka Xoolaha nool.

2. Qiimeynta iyo ka talo bixinta horumarinta kaabayaasha ganacsiga sida Dekadaha iyo Kastamyada kale.

3. Qiimeynta iyo sare u qaadista ganacsiga Puntland kala dhexeeya deegaanada Soomaalida kale iyo Dowladaha Deriska ah.

Haddaba, xubnaha gudiga waxaa la farayaa in ay waajibaadka loo igmaday u gutaan si masuuliyadu ku dheehantahay, islamarkaana shaqadooda ku soo dhammeeyaan muddo 2 bilood gudahood ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM