Deni oo magacaabay Guddiga dardargelinta Ganacisga Puntland

Image
Waajibaadka guddigan waxaa kamid ah qiimeynta iyo ka talo bixinta dib u habeynta iyo tayeysiinta Maxjarada Xoolaha ee Puntland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isagoo ka duulaya barnaamijka wax-qabadka xukuumadda ee Hormarinta Wax-soo-saarka iyo kobcinta Dhaqaalaha, wuxuu xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin u magacaabay Guddiga dardargelinta Ganacisga Puntland.

Magacyada Xubnaha Guddiga:

1. Wasiir. Maxamed Faarax Maxamuud Guddoomiye
2. Wasiir. Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux) Xubin
3. Wasiir. Shaakir Maxamed Guuleed Xubin
4. Wasiir. Axmed Shire Siciid Xubin
5. Mudane. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin
6. Mudane. Dr. Carshe Maxamed Siciid Xubin

Waajibaadka Guddiga:

1. Qiimeynta iyo ka talo bixinta dib u habeynta iyo tayeysiinta Maxjarada Xoolaha ee Puntland si kor loogu qaado dhoofka Xoolaha nool.

2. Qiimeynta iyo ka talo bixinta horumarinta kaabayaasha ganacsiga sida Dekadaha iyo Kastamyada kale.

3. Qiimeynta iyo sare u qaadista ganacsiga Puntland kala dhexeeya deegaanada Soomaalida kale iyo Dowladaha Deriska ah.

Haddaba, xubnaha gudiga waxaa la farayaa in ay waajibaadka loo igmaday u gutaan si masuuliyadu ku dheehantahay, islamarkaana shaqadooda ku soo dhammeeyaan muddo 2 bilood gudahood ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM