Deni oo magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaada Qardho

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaada Degmadda Qardho ee gobolka Karkaar.

Guddigan oo ka kooban wasiiro ayaa gudoomiye looga dhigay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka.

Wareegto ku taariikheysan 28-ka April, 2020 oo kasoo baxday xafiiska Deni taasoo nuqul kamid ah uu arkay GO ayaa lagu magacaabay xubnaha guddigan heerka wasiirada ah.


Hoos ka akhriso digreetadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo ka duulaya saamaynta balaaran ee ay yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran. Sidaas darteed, Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu magacaabay Guddiga sare ee Gurmadka Fatahaada Degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar:

1. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka (Guddoomiye)
2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
3. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga
4. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska
5. Wasiirka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo. Isbadalka Cimiladda
6. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha
7. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka
8. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
9. Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Macdanta
10. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska
11. Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA
12. General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha
13. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
14. Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi
15. Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye
16. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre
17. Siyaasi Cali Abdi Awaare
18. Guddomiyaha Gobolka Karkaar
19. Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar
20. Guddomiyaha Degmada Qardho
21. Sh. Fu’aad Maxamuud Nuur Culumadda
22. Jaamac Salaad Maxamed (Dhagadheere) Ganacsatadda.
23. Axmed Cabdi Hurre
24. Maxamed Caydiid Jaamac (Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga)


Qardho waxaa kusoo rogmaday daadad ka dhashay roobab mahiigaan oo saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay. Ku dhowaad lix qof oo saddex kamid ah ay caruur yihiin ayaana ku dhintay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM

Guddoomiye Hore oo Maleeshiyaad La Tegay Gobolkiisa — Puntland oo Ka Hortimid

Cabdirashiid Jibriil oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa…

  • Puntland

    06-07-2025

  • 06:52AM