Gudoonka Maxkamada Sarre ee Ciidanka Puntland oo la magacaabay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu soo saarey dib ugu dhisay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Iyo Danbiyada Culus ee dowlada Puntland.

Sidda lagu sheegay digreetadda, Gaashaanle Maxamuud Cabdi Maxamed ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda, halka Cawil Jaamac Nuur laga dhigay gudoomiye ku xigeenka.

Hoos ka dhageyso digreetada

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Iyo Danbiyada Culus Ee Dowladda Puntland.

Garoowe : 16 , May 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 , 16ka May 2020, kuna saabsan Dib-u-dhisidda Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad, faqraddiisa 19aad.

Markuu arkay: Qodobka 87aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda Shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare. Maxamuud Cabdi Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus

2. Waxaa G/sare. Cawil Jaamac Nuur loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus

3. Waxaa G/sare. Maxamed Cabdi Bootaan Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

4. Waxaa G/le. Keenadiid Cabdicasiis Axmed loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

5. Waxaa G/sare. Cali Faarax Caydiid loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

6. Waxaa G/sare. Cabdi Cali Jaamac loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

7. Waxaa G/sare. Maxamuud Faarax Maxamed loo magacaabay Xeer Ilaaliye Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


Maxkamadan waxaa la filayaa in ay inta badan qaadi doonto kiisaska la xiriira arrimaha ciidamadda iyo argagixisadda oo xukuumadda Puntland ay cod dheer ku sheegtay in ay xididaha u siibi doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM