Deni oo magacaabay taliye ku xigeenka qaybta Booliska Karkaar

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Axad ah wuxuu wareegto ku magacaabay taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Gaashaanle Jaamac Cismaan Axmed ayaa loo xushay xilkaas, sidda ku xusan digreetadda oo lagu baahiyey barta Facebook ee Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Soomaaliya.

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Garoowe: 19, April, 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 19ka April, 2020, ku magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Gobolka Karkaar.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Jaamac Cismaan Axmed loo magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna Saciid ay.


Magacaabidan ayaa lagu waramay in ay qeyb ka tahay dib-u-habeyn lagu sameynayo laamaha kala duwan ee ammaanka si loo hubiyo nabad-gelyadda iyo xasiloonida guud ahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM