Deni oo magacaabay taliye ku xigeenka qaybta Booliska Karkaar

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Axad ah wuxuu wareegto ku magacaabay taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Gaashaanle Jaamac Cismaan Axmed ayaa loo xushay xilkaas, sidda ku xusan digreetadda oo lagu baahiyey barta Facebook ee Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Soomaaliya.

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Garoowe: 19, April, 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 19ka April, 2020, ku magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Gobolka Karkaar.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Jaamac Cismaan Axmed loo magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna Saciid ay.


Magacaabidan ayaa lagu waramay in ay qeyb ka tahay dib-u-habeyn lagu sameynayo laamaha kala duwan ee ammaanka si loo hubiyo nabad-gelyadda iyo xasiloonida guud ahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM