Deni oo magacaabay xubno kamid ah Maxkamada Sare ee Ciidamada

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 55 August 29, 2020, ku magacaabay xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

Waxaa G/le Cabdiraxmaan Ciise Xuseen loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.

Waxaa Dhemme Siciid Xirsi Ibraahim loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.

Waxaa G/dhexe Cabdirisiiq Jaamac Cabdulle loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.

Waxaa G/le Axmed Jaamac Maxamed loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.

Waxaa G/le Siciid Aadan Siciid loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool

Waxaa G/sare Cabdullaahi Cabdi Shire loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn.

Waxaa Dhemme Cawil Warsame Maxamed loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn.

Waxaa Dhemme Cabdiweli Maxamuud Maxamed loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn.

Waxaa G/le Cabdi Faarax Cali loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn

Waxaa G/le Ibraahim Bile Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.

Waxaa Dhemme Maxamed Xuseen Axmed loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu

Waxaa Dhemme Cali Ibraahim Cismaan loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.

Waxaa G/dhexe Maxamed Cabdi Nuur loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.

Waxaa G/le Sahal Cabdi Cartan loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.

Maxkamadda ciidamadda ayaa cadaaladda marsiisa dagaalameyaasha lasoo qabto ee ka tirsan kooxaha argagixisada ah iyo askarta ka tirsan dowladda ku lug-yeesha fal-dambiyeedyada ay dilalka iyo dhaca kamid yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM