Deni oo magacaabay xubno kamid ah Maxkamada Sare ee Ciidamada

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 55 August 29, 2020, ku magacaabay xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

Waxaa G/le Cabdiraxmaan Ciise Xuseen loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.

Waxaa Dhemme Siciid Xirsi Ibraahim loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.

Waxaa G/dhexe Cabdirisiiq Jaamac Cabdulle loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.

Waxaa G/le Axmed Jaamac Maxamed loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.

Waxaa G/le Siciid Aadan Siciid loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool

Waxaa G/sare Cabdullaahi Cabdi Shire loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn.

Waxaa Dhemme Cawil Warsame Maxamed loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn.

Waxaa Dhemme Cabdiweli Maxamuud Maxamed loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn.

Waxaa G/le Cabdi Faarax Cali loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn

Waxaa G/le Ibraahim Bile Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.

Waxaa Dhemme Maxamed Xuseen Axmed loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu

Waxaa Dhemme Cali Ibraahim Cismaan loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.

Waxaa G/dhexe Maxamed Cabdi Nuur loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.

Waxaa G/le Sahal Cabdi Cartan loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.

Maxkamadda ciidamadda ayaa cadaaladda marsiisa dagaalameyaasha lasoo qabto ee ka tirsan kooxaha argagixisada ah iyo askarta ka tirsan dowladda ku lug-yeesha fal-dambiyeedyada ay dilalka iyo dhaca kamid yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM