Xubno ku biiraya wasiirada Puntland oo la magacaabay

Image
Madaxtooyadda Puntland ayaa faafisay wareegtadda magacaabida labadan xubnood.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida maanta ah wuxuu magacaabay laba xubnood oo kamid noqonaya Golaha Wasiiradda ee dowladda Puntland kadib wareegto uu soo saarey.

Cabdifataax Maxamed Cabdinuur ayaa loo magacaabay Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland, halka Maxamed Cabdirisaaq Dayib loo xushay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY XUBNO KA MID AH GOLAHA WASIIRADA.

Garoowe: 10 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40 ee 10-ka September 2022, kuna saabsan magacaabid Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

1. Waxaa Cabdifataax Maxamed Cabdinuur loo magacaabay Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland.

2. Waxaa Maxamed Cabdirisaaq Dayib loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

3. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.


Cabdifitaax ayaa ahaa Agaasimaha Xarunta Gurmad Qaran ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu soo noqdey lataliye sarre oo dhanka siyaasadda ee isla xafiiska ra'iisul wasaaraha dalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM