Deni oo qaabilay madaxdii hore ee dowladda Puntland

Image
Image
Hogaankii Hore ee Puntland iyo Soomaaliya waxay ka qeyb qaadan doonaan doorkooda nabadeynta.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Sanatar Cabdiraxmaan Faroole, Ra’iisalwasaarihii hore ahna Madaxweynihii hore Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi la socda.

Iyadoo xalayto uu ku baaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland dhammaan Masuul, Siyaasi, Waxgarad iyo Isimada Puntland in laga wada qeyb qaato nabad in lagu dhammeeyo shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso, ayaa Madaxdii Hore ee Puntland iyo Soomaaliya waxay ka qeyb qaadan doonaan doorkooda nabadeynta.

Kulanka oo ahaa soo dhoweyn waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Qaar ka mid ah siyaasiyiin iyo aqoonyahanka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM