Deni oo qaabilay madaxdii hore ee dowladda Puntland

Image
Image
Hogaankii Hore ee Puntland iyo Soomaaliya waxay ka qeyb qaadan doonaan doorkooda nabadeynta.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Sanatar Cabdiraxmaan Faroole, Ra’iisalwasaarihii hore ahna Madaxweynihii hore Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi la socda.

Iyadoo xalayto uu ku baaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland dhammaan Masuul, Siyaasi, Waxgarad iyo Isimada Puntland in laga wada qeyb qaato nabad in lagu dhammeeyo shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso, ayaa Madaxdii Hore ee Puntland iyo Soomaaliya waxay ka qeyb qaadan doonaan doorkooda nabadeynta.

Kulanka oo ahaa soo dhoweyn waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Qaar ka mid ah siyaasiyiin iyo aqoonyahanka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM