Deni oo qaabilay wafdi socday Hayádda ICRC

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hayádda laanqayrta Cas ee ICRC.

Wafdiga oo lagu qaabilay qasriga Madaxtooyadda ayaa la sheegay in uu hogaaminayo Madaxa Hay’addaas u qaabilsan Galmudug, Puntland iyo Soomaaliland ninka lagu magacaabo Tim Philip Ros.

Mr Ros ayaa lagu waramay in uu wehlinayey isku-uduwaha ammaanka goobaha shqada iyo maaraynta dhibaatooyinka ee Soomaaliya Mr Cyril Juarena iyo madaxa Xafiiska Hayádda ICRC ee Puntland Mr Axmed Siciid.

War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta Madaxtooyada dowlada Puntland ayaa lagu soo bandhigay fahfaahin baaxad weyn oo ku saabsan qaabka shirka u dhacay iyo tafaasiishiisa.

"Madaxweynaha  Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda," ayaa lagu yiri qoraalka lagu faafiyey barta Madaxtooyada ee Facebook.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Wuxuuna kadib ka dhegaystay warbixin ay ka siiyeen halka ay marayaan howlaha gargaar iyo bani’aadanimo ee ay ka wadaan deegaanada Puntland".

Hay'adda ICRC ayaa gacan ka geysatay dedaalo nabadeyn ah oo la kala dhex-dhigay Puntland, Galmudug iyo Somaliland gaar ahaan colaado ka qarxay gobolka Mudug iyo qeybo kamid ah gobolada SSC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM