Deni oo Qardho ka dhagax dhigay garoon kubadda cagta ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Qardho ka Dhagax dhigay garoon kubadda Cagta ah oo loo dhisidoono si caadi ah.

Dhagax dhigga garoonka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiinta maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, Bahda ciyaaraha gobolka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dhagax dhigga ayaa sheegay in goobta loo asteeyey dhismaha garoonka tahay meel ku haboon oo siman, Madaxweynaha ayaa ku booriyey Maamulka degmada Qardho in dhulka ku hareeraysan garoonka laga dhigo dhul dowladeed si mustaqbalka looga faa'iidaysto.

"farxad bay nootahay inaan dhagax dhigno garoonka kubadda cagta Qardho, waxaan garawsannahay ahmiyadda ay leeyihiin ciyaaruhu guud ahaan dalka oo dhan, waxaan bogaadinaynaa dedaalka maamulka degmadu ugu jiro sare u qaadidda ciyaaraha".

"Dhulka waa dhul aad u wanaagsan oo kasoo fog magaalada, aadna u siman kuna haboon garoon, waxaan ku darayaa in degmadu 200 oo Mitir kasii badiso oo dhulkani noqdo dhul dowladeed, mustaqbalkana mashaariic kale oo dan u ah danta caamka ah lagu fuliyo, waxaan rajaynayaa in aan soo noqdo garoon kaas oo dhammaaday, dedaalka guud ee aad wadaana waan idinku garab taaganahay" Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray saldhigga iyo qaybta degmada Qardho, waxaana uu Madaxweynuhu kulan gaar ah la qaatay taliyaha qaybta qobolka Karkaar iyo Saraakiisha ciidanka Booliska degmada Qardho.

-DHAMMAAD-

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM