Deni oo ka hadlay musuqmaasuqa coddeyntii Puntland

Image
Ururadda qaarkood ayuu ku eedeeyay in ay olole ku galeen adeegyadda loo qabto dadweynaha.

GAROWE, Puntland – Madaxwaynaha dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu xaqiijiyey in doorashooyinkii golayaasha degaanka ee bishii hore ka qabsoomay degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl ay ka dhaceen musuqmaasuq.

Deni oo ka hadlay munaasabadda lagu daahfuray xarun lagula dagaalamayo Ayaxa taasoo laga higeliyey xarunta gobolka Karkaar ayaa daaha ka rogay in sidoo kale ay jiraan guulo laga gaarey balse ay wehliyaan casho laga bartey.

Sida laga soo xigtey Deni, ururadda qaar oo uusan si furan magacyadooda u shaacin "waxay olole ku galeen kaararka cunadda ee loogu talagalay dadka danyarta ah".

"Puntland waxay ku talaabsatay in nidaamka siyaasiga ah uu horey u sii socdo waxayna furtey nidaamka axsaabta badan oo dhowaan si horudhac ah uga qabsoomay saddex degmo. Waxaa laga gaarey guul weyn waxaana laga bartey casharo badan," ayuu madaxwaynuhu carabka ku adkeeyay.

Deni wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Waxaa soo baxdey meesha aragti siyaasadeed lagu tartami lahaa in adeegyadii bulshada loo qabanaayey la dhex-geliyey siyaasadda. Waxba kalama qarsaneyno; in kaararkii loogu talagalay dadka masaakiinta ah in lagu quudiyo in lagu ololeeyay. Hadhow waxaan ka baqayaa in Ayaxa lagu ololeeyo".

"Marka waxaan u baahanahay adeega waa adeeg cid gaar ah malahan. Cid kasta haku noolaato – Soomaali ha ahaato ama ajnabi – wuu wada gaarayaa," ayuu hoosta ka xariiqay.

Urur siyaasadeedka KAAH ee uu hogaamiyo Deni ayaa ku guuleystay codadka ugu badan ee saddexda degmo. Is-dabamarinta uu Deni ka dhawaajiyey waxaa si gaar ah loogu eedeeyay ururadda degaan kasoo jeeda gobolka Karkaar.

Hogaanka ururadaas ayaa doorashaddii madaxtinimadda uu ku helay Deni waxaa si gaar ah loola xiriirinayey Madaxtooyadda Soomaaliya walina waxaa la tuhunsan yahay in uu jiro cilaaqaad hoose oo xoogan kaasoo ka dhaxeeyey dhinacyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM