Deni oo shaaciyay caqabadaha uu wajahay intii uu soo xulayey Wasiradda [DAAWO]

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Gollaha Wakiilada Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xukuumadda cusub ee uu todobaadkii hore magacaabay Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni, taasi oo ka kooban 45 xubnood.

Deni oo goobjoog ka ahaa fadhigii kalsoonida lagu siiyay Gollaha Wasiirada ayaa u mahadceliyay mudanayaasha, isaga oo ka waramay caqabadihii uu la kulmay mudadii uu soo xulayey xukuumada cusub.

"Aad ayey u adkeyd in aan is-waafajiyo kalmadeydii ahayd xukuumad kooban oo tayo leh iyo in aan isla helo wasaarad iyo wasiirka ku haboon, waxaana ugu wacan cid kasta oo dooneysa in kasoo muuqato Gollaha Wasiirada," ayuu yiri Deni.

63 kamid ah 66 Xildhibaan ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka DPL ayaa codka kalsoonida siiyay Gollaha Wasiirada cusub, kuwaasi oo tiro ahaan aad uga yar xukuumadii Cabdiwali Gaas.

"Waxyaabaha badiyay tirada gollaha wasiirada oo aan jeclaa in ay intaan ka yaraadaan waxaa kamid ah baahida qabaa’ilka PL u qabaan in kasoo muuqdaan Gollaha Wasiirada, waan ka xumahay," ayuu ku daray hadalkiisa.

Puntland, maamul 20-sano jir-saday, kaasi oo horumuud u ah nidaamka Federaalka Soomaaliya, ayaa hiigsanaya in doorashada soo socota ay noqoto qof iyo cod, lagana gudbo nidaamka qabaa’ilka.

"In kasoo dhex-muuqashada Gollaha wasiiro u arkaan qabaa’ilka in loo arko in ay degaan halkaasi waa macno halis ku ah dowladnimada Soomaaliya, waana nasiib daro in sidaasi ay jirto 20-sano kadib," ayuu Deni daba dhigay.

Mar uu soo hadal-qaaday qoondada haweenka ee Gollaha Wasiirada oo kaliya ay 7-xubood dumar ay ka yihiin ayuu Madaxwayne Deni ku dhaliilay siyaasiyiinta in ka goos-adeegayeen in Hablaha loo kordhiyo tirada.

"Odayaasha waan ka codsaday in ay fursad ii siiyaan in aan aniga soo xusho, wayna i siiyeen, waana uga mahad-celinayaa, balse siyaasiyiinta ayaa ahaa kuwa aan caqabada kala kulmay," xusay Madaxwayne Deni.

Wasiirada dumarka ah waa mid, waxayna madax u tahay wasaarada arrimaha Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, halka wasiiro ku xigeenada ay 6 haween ka yihiin, inkasta wasiiru dowlayaasha aanu waxba ku lahayn.

"Runtii wasiiru dowlayaasha oo aan rabay in aan iska daayo..waxaan uga tegi waayay oo aan kusoo daray shaqsiyaad asset  u ah reer Puntland iyo in ay uga faa’ideyaan waayo aragnimadooda," ayuu Deni daaha ka rogay.

Mr Deni oo kalsooni xoogan ka muujiyay wadashqeyn dhex-marta wasiiradiisa cusub ayaa ku tartarsiiyay in ay u shaqeeyaan"sidii hal qof oo kale, looguna adeego bulshada si cadaalad ah".

"Cadaalado ma ahan in qabaa’ilka oo dhan ay kasoo muuqdaan Gollaha Wasiirada, cadaaladu waxaan u aqaanaa aniga in bulshada si siman loo gaarsiiyo adeega dowladnimo," ayuu hoosta ka xariiqay.

Madaxwayne Deni oo khibrad shaqo u leh Puntland, kaasi oo si madax banaan ugu tartamayey doorashadii 8-dii Janaayo uu kusoo baxay ayaa balanqaaday in laamaha kala duwan ee dowlada uu la shaqeynayo.

"Labo sano oo aan olale ku jiray, waxaa iiga cusleyd bishii aan xukuumada soo dhisayey," ayuu Madaxwaynuhu raaciyay, isaga oo si cad u raali geliyay shaqsiyaadkii aanu nasiibku u siinin in ay kasoo muuqdaan golihiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

  • Puntland

    04-05-2024

  • 11:43AM

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM