Deni oo shaaciyey balan qaad uu u sameeyay Xasan Sheekh

Image
Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa muhiim u ahaa dagaalkii looga adkaaday Maxamed Farmaajo.

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu shaaca ka qaaday ballan-qaad ay madaxda maamul goboleedyadda ka haleen madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Deni oo la hadlay wargeyska The Economist ayaa faha-faahin kooban ka bixiyey kulan uu madaxweyne Xasan Sheekh Muqdisho kula qaatay madax goboleedyada waxyar kadib markii la doortay

“Waxa uu noo ballan-qaaday inuu xukunka nala wadaagi doono islamarkaana uu soo dhameystiri doono dastuur cusub oo federaal. Waxay aheyd khudbad aad u wanaagsan,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Deni faha-faahin kama bixin waxa uu ka wado xukun wadaagista, balse waxaa la fahamsan yahay in ay la xiriirto ka wada tashiga go’aanada masiiriga ah ee dalka iyo cida noqonaysa Ra’iisul wasaaraha dalka oo la fahamsanyahay in madaxweynaha Puntland uu ka mid yahay dadka u sharaxan.

Xasan Sheekh oo laga sugayo soo magacaabista Ra'iisul Wasaaraha ayaa madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo kan Jubaland Axmed Madoobe ayaa filaya inuu wax ka waydiiyo, maadaama ay qeyb ka qaateey dagaalkii siyaasadeed ee looga hortagey mudo-korarsigii sharci-darrada Farmaajo.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa muhiim u ahaa dagaalkii looga adkaaday Maxamed Farmaajo, waxaana la filayaa in Xasan Sheekh uu ku abaal-mariyo in ra’iisul wasaaraha uu u magacaabo qof kasoo jeeda Jubaland iyo Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo kadib caleemo-saarka madaxweynaha oo sida aan xogta ku helnay dhaceysa 9-ka bishan June 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM