Deni oo shaaciyey in la baarayo dhacdooyinkii Boosaaso

Image
Bulshada ayuu la wadaagay in Dowladda Puntlaand ay u taagantahay kala danbeynta.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Telefishinada iyo Warbaahinta Bulshada si toos ah ugala hadlay dadweynaha kadib dagaalo ka dhacey magaalada Boosaaso.

Deni oo soo muuqdey kadib afar maalmood oo Boosaaso ka dhacdey dagaal ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada, amniga iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii waxyeeladu kasoo gaartay shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso, wuxuu faray dhammaan Ciidamada Puntland in aysan mardanbe  dhicin xabad.

Intii uu hadaljeedinta ku guda jiray, Deni ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay isdejiyaan Dowladda oo u tureysana ay fursadsiinayso nabadd in wax lagu dhammeeyo.

Dadkii ay saameeyeen shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso ayuu la wadaagay dareenkooda iyo in uu ka xunyahay in Agaasimihii hore ee PSF uu xaafadaha magaalada ku duqeeyo Hoobiyeyaal "arrintaasi oo mustaqbalka u baahan baaritaan sax ah".

Wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee ka howlgalay Boosaaso ayuu faray in gurmadka iyo garab istaagga u muujiyaan dadka barakacay iyo in ay dhakhso loo gaarsiiyo gurmadka loona fududeeyo sidii dadku ugu laaban lahaayeen guryahoodii iyo noloshoodii caadiga aheyd.

Ugu danbeyn, Bulshada ayuu la wadaagay in Dowladda Puntlaand ay u taagantahay kala danbeynta, sareynta Sharciga iyo awooda Dastuuriga ah ee lagu heshiiyay.

"Sidaasi oo ay tahayna waxay Puntland diyaar u tahay Soona dhoweysay  dadaalka nabadeed ee Isimada iyo Waxgaradka Puntland ay billaabeen, Iyadoo Dowladdu siinayso nabadeyntaasi fursad fiican," ayuu kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM