Gudoomiyaha Hay'adda Wadooyinka Puntland oo shaqada laga joojiyey

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdllaahi Deni ayaa wuxuu shaqo joojin ku sameeyay Eng. Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi, Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland "ilaa iyo amar dambe".

Sidda ku cad digreeto uu Deni soo saarey, waxaa sidoo kale la buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyey Hay’addaasi laga soo bilaabo Janaayo 2019.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in uu si ku meel gaar shaqada Hay’adda u sii wadayo Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka, oo kamida kuwa ugu qadiimisan maamulkan.

DIGREETADA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland, isla markaana buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyey Hay’addaasi laga soo bilaabo Janaayo 2019.

Ku: Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland .

Ku: Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Wadooyinka.

Og: Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland.

Ujeeddo: Shaqo ka joojin iyo burin shaqaalaysiin.

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 17ka Luulyo 2019, shaqadii laga joojiyey Eng. Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland ilaa iyo amar dambe.

Sidoo kale waxaa la buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyay Hay’addaas laga soo bilaabo taariikhdu markay ahayd Janaayo 2019.

Waxaa si ku meel gaar shaqada Hay’adda u sii wadaya Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka.

-Xeerkan wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM