Deni oo shir gaar ah la yeeshay guddoonka Aqalka Sare ee Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlada Puntland iyo guddoonka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay ku kulmeen magaala madaxda Muqdisho.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmihii lasoo dhaafay wuxuu caasimada u joogay wadahadalo la xiriira arrimaha doorashooyinka 2020-21 kuwaasoo war-murtiyeed laga soo saarey asbuucii lasoo dhaafay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland laguna faafiyey baraha bulshada ayaa lagu sharaxay qodobada diirada lagu saarey kulanka Deni iyo guddoonka Senate-ka waddanka.

Sidda laga soo xigtay qoraalkan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online, wada-xaajoodyada ayaa lagu lafaguray xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasada gaar ahaan doorashadda.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Mudane Mowliid Xuseen Guhaad," ayaa lagu yiri bayaanka.

Warka qoraalka ayaa la raaciyey: "Kulanka oo ka dhacay guriga guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo, waxaana Guddoonka Aqalka Sare uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa muhimka ah ee samata bixinta Dalka".

War-murtiyeedkii laga soo saarey shirka Muqdisho wuxuu mar kale caddeeyay in Senatorada soo aadan ay soo doora doonan baarlamaanada dowlad goboleedyada maadaama ay metalaan, sida dastuurka ku dhigan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM