Deni oo si diiran loogu soo dhaweeyay caasimadda Jabuuti

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DJABUUTI, Jabuuti - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Jabuuti kusoo dhoweeyay, Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka gaadiidka Mudane Muuse Maxamed Axmed, Guddoomiyaha marsooyinka iyo aagga ganacsiga xorta ah Mudane Abuubakar Cumar Xadi iyo masuuliyiin kale.

Safarka Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo qaadan doona maalmo kooban, wuxuu ku saabsanyahay xoojinta iskaashiga Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarka.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM