Deni oo soo saarey amaro la xiriira dekadda magaalada Boosaaso

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo tixraacay talo-bixinta Guddiga dowladdu u xilsaartay sicir-bararka, ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda Puntland in aan kastamka Dekedda Boosaaso, cashuurta Dowladda lagu qaadikarin lacagta shillin Soomaaliga.

Wareeegto Lr. 06, ee 30ka November 2020, kuna saabsan wargelin

Ku: Maamulka Dekedda Boosaaso

Og: Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

"Laga billaabo 1da December 2020, waxaa Maamulka Dekedda Boosaaso lagu wargelinayaa in khidmada ay qaado shirkadda P&O Ports lagu shubo Akoonada hoos ku qoran ee Bangiyadda Amal iyo Salam oo ay leedahay Maamulka Dekeda Boosaaso;

1. Bangiga Amal AC. 1013677059

2. Bangiga Salam AC. 80650000

Dhanka kale, 

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo tixraacaya talo-bixinta Guddiga dowladdu u xilsaartay sicir-bararka, ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda Puntland in aan kastamka Dekedda Boosaaso, cashuurta Dowladda lagu qaadikarin lacagta shillin Soomaaliga.

Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Og: Xisaabiyaha Guud Ee Dowladda Puntland

Og: Hanti Dhowrka Guud Ee Dowladda Puntland

Og: Bangiga Dowladda Puntland

Ujeeddo: Joojin Qabashada Shillin Soomaaliga ee cashuurta Kastamka Dekedda Boosaaso.

"Iyadoo laga duulayo talo bixinta Guddiga Dowladdu u xilsaartay sicir-bararka. Laga billaabo 1-da December 2020, waxaa la joojiyey in aan kastamka Dekedda Boosaaso, canshuurta Dowladda lagu qaadi-karin lacagta Shillin Soomaaliga".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM