Deni oo taageero u goobaya doorashooyinka lagu muransan yahay

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Nairobi kulan Kula qaatay Safiirka Dowladda Germany ee Soomaaliya Amb. Sebastian Groth.

"Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga Puntland iyo Dowladda Jarmalka iyo Doorashooyinka Hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha Deegaanka degmooyinka Puntland, Iyadoo Dowladda Germany sheegtay in ay diyaar u tahay in ay Puntland ku taageerto Doorashooyinka dimuqraadiga ah," ayay tiri Madaxtooyadda Puntland.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Amb. Sebastian Groth iyo Dowladda Germany, taageerada iyo Iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya gaar ahaan Puntland, sida Mashaariicda ay ka taageeraan Hay’adaha Dowladda Puntland iyo doorkooda ku aadan hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland".

Dhanka kale, Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Nairobi ku qaabilay wafdi ka socda Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya oo ka kooban u qeybsanaha Qeybta dhaqaalaha Anne Nuechterlein iyo Muna Mohamed oo ka socota dhinaca Siyaasadda.

Madaxtooyadda Puntland ayaa warisay: "Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda, waxaa la boggaadiyey horumarka Puntland ka sameysay kaabayaasha dhaqaalaha sida Dhismaha Dekadda Garacad iyo qorshaha Horumarinta dhaqaalaha Puntland".

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Waxaa kulanka Madaxweynaha kala qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali".

Kulamadan ayaan waxaan goobjoog ka ahayn wasiiraddii ay khuseysay sidda Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyeynta. Balse, hab-dhaqankan waa mid uu caan ku yahay madaxwayne Deni.

Waqtiga uu Deni ku bixinayo in uu taageero caalamka uga helo barnaamijka dimuqraadiyada ee lagu muransan yahay ayaa imaanaya xilli dadka Puntland ay uga digeen in uu qaab isla-ogol ahayn ku hirgeliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM