Deni oo tababar u soo xiray ciidamo, eedeyna u jeediyey DF Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xerada ciidanka Xorgoble ee Degmada Qardho tababar ugu soo xiray dufcaddii 2-aad ee dhammaysata tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Ciidankan tababarku usoo xidhmay maanta ayaa ka kalayimi dugsiyada Xorgoble, Badhan iyo Xerada 54-aad ee Taliska Ciidanka Daraawiishta. Ciidanka maanta tababarku u xidhmay ayaa soo bandhigay xirfado xeeldheer oo ay barteen mudadii uu u socdey tababarku.

Deni oo la dardaarmay ciidanka maanta tababarku usoo xidhmay ayaa sheegay in Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliyaba uu farayo Dowladda ilaalinta sharafta shacabka.

Dowladda federaalka ah ayuu daaha ka rogay in ay isku koobtay Dhaqaalaha Beesha caalamku ku bixiyo dib u dhiska diidamada Soomaaliya iyo sugidda Amniga.

"Sida Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliyaba farayo Dowladda waajibaadka lagarabo waa ilaalinta sharafta karaamada iyo amniga ummadda ay u shaqaynayso, shaqadaasina waxaa laga rabaa waa ciidamada, sidaasi daraadeedna waxaa Xukuumadda ka go'an in ahmiyadda koowaad, labaad iyo Sadexaadba la siiyo dhismaha ciidamada kor u qaadidda noloshooda, dhammaystirka agabkii ay ku shaqayn lahaayeen, si ay u noqdaan dad waajibkooda gaadha," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaa nasiib daro ah iyadoo aduunka uu uga baxo boqolaal million oo dollar sidii Soomaaliya uga caawin lahaayeen Amniga, iyo dhismaha ciidanka in wixii ay ka mudnaayeen Puntland inaysan ka helin DFS, taas waxaan rajaynayaa in caalamku garto. Masuuliyiinta Dowladda Federaal ka ah hanti ay hayaan loogu dudimaayo, balse waa inaysan caqabad ku noqon waxa beesha caalamka laga helayo, waxaan rajaynayaa in caqligu uu taliyo, duruuf walbaa deegaannada kale waa ka jirtaa, hadana cadawgu meel walba waa joogaa, dhismaha ciidankana meelwalba waa looga baahan yahay, waxaase Alle mahaddiis ah Puntland oo 21 sano jirtey oo masuuliyiintii kala dambeysey ee soomaray ay garteen ahmiyadda ciidamadu leeyihiin".

Madaxweynaha ayaa ku amray ciidamada Puntland inay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda iyo xuduudahoodaba, waxa uu Madaxweyne Deni fariin adag u diray Soomaaliland.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan rajaynayaa ciidamada Puntland inay u diyaar garoobaan inay sugaan xuduudaha Puntland ee Dastuurku nafarayo. Puntland waa astaanta midnimada Soomaaliyeed, Puntland waa astaanta kala dambaynta iyo xasiloonida, maamul wanaagga iyo dowladnimada, Puntland waxay ku naaloonaysaa in dadkeeda nabad ku noolaadaan, deegaanada kale ee Soomaaliyana ay gacan ka geysato".

"Waxaan idinkula dardaarmayaa cadaw kasta oo Puntland leedahay ha ahaadeen argagixiso ama kuwa kusoo duulay dhulka Puntland inaad u diyaargarawdaan. Puntland waxaa ka go'an inay cadawgeeda Iska dhicinayso, diyaar u tahay inay nidaamkeeda dastuurka ah ku dhaqanto, soo celiso dhulka ka maqan, cidhibtirto argagixisada, diyaarna u tahay cidkasta oo nabad iyo wadahadal laga helikaro ay la gasho heshiis, haddii ay ka weydona ay awood kusoo ceshanayso, waxaan ugu baaqaynaa Soomaaliland si sharafleh inay dhulka Puntland uga baxdo, dhiig walaal madoonayno, horumarbaan rabnaa, deris wanaag baan rabnaa," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM