Deni oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada badda Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaano PMPF.

Ciidamada tababarka loosoo xiray oo lasoo laylinayey muddo 5 bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 10-aad ee ka baxda Xerada Tababarka Ciidamada Badda Puntland ee dhacda duleedka galbeed ee magaalada Boosaaso.

Sidda ay sheegeen saraakiishooda, ciidamadan oo qaatay daruus muhiim u ah tabaha dagaalka, ilaalinta xeebaha iyo dabagalka dambiyada ayaa ku qalabeysan hub iyo gaadiid casri ah.

Deni oo khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa ugu baaqay ciidamadda in ay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan, iyagoo iska dhowraya falalka wiiqaya sumcadooda.

Bishaan June 21-keeda ayay ahayd markii Deni uu magaalada Qardho gaar ahaan xerada Xorgoble uu tababar ugu soo xiray dufcadii labaad oo kamid noqoneysa ciidanka Daraawiishta.

Sidda ay ka dhawaajiyeen hogaanka taliska, ciidamadaas ayaa ka kala yimid dugsiyada Xorgoble, Badhan iyo Xerada 54-aad ee Taliska Ciidanka Daraawiishta ee dowladda Puntland.

Qorshaha tababarka ayaa qayb ka ah barnaamijka dib-u-habeynta hay'adda dowlada Puntland oo xukuumadda Deni ay bilowday isla markaana lagu tayeynayo ciidanka difaaca Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM