Deni oo wada latashiyadii u dambeeyay Golaha Wasiirada cusub

Image
Xukuumadda cusub ee Puntland ayaa la filayaa in lagu dhawaaqi doono tobanka maalmood ee soo socota.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland, Siciid Cabdullahi Dani, ayaa maalmahan ku guda jira la tashiyo uu la yeelanayo Xildhibaano iyo shaqsiyaad siyaasadda saameyn ku leh.

Ujeeddadu waa dhismaha xukuumadda cusub, iyadoo la filayo in golaha wasiirada cusub lagu dhawaaqi doono tobanka maalmood ee soo socota.

Barlamaanka Puntland ayaa horey u aqbalay codsi ka yimid madaxweynaha oo ku aaddan in muddo bil ah loogu daro waqtiga dhismaha xukuumadda, sababo la xiriira caleemo saarka oo waqti dheer qaatay.

Shacabka Puntland ayaa si weyn uga dhursugaya nooca xukuumadda uu soo dhisi doono Madaxweynahu, iyagoo rajeynaya inay noqoto mid dib u dardargelisa adeegyada dowladda.

Sidoo kale, Puntland waxaa 8-dii bilood ee lasoo dhaafay ka taagnaa khilaaf siyaasadeed oo ku aaddan nooca doorasho ee la qaadanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM