Deni oo wali fulin balanqaadkii garoonka kubada cagta Boosaaso

Image
Su'aallaha shacabka maanka ka guuxaya waxaa kamid ah haddii balanqaadka uu kaliya ahaa afka baarkiisa.

BOOSAASO, Puntland - Garoonka kubada cagta ee magaalada Boosaaso ayaa ah mid haatan uu ka muuqdo dayac xoogan, iyada oo uusan helin wax ka qabad maamul iyo isku tashi bulsho oo lagu dhiso.

10 July 2021, wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ee xiligaas Jaamac Faarax Xasan oo ay wehliyaan gudoomiyaha gobalka Bari ee xiligaas Senator Cabdisamad Abwaan iyo duqii degmada Boosaaso Cabdiqani Ismaaciil [Deero-dile] ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonka kubada cagta ee Bosaso .

Deero-dile oo munaasabadda ka hadlay ayaa yiri: "Maanta oo taariikhdu tahay 10 July 2021 waxaan dhagax dhigaynaa dhismaha garoonka kubada cagta ee Boosaaso oo 200 kun uu madaxweyne Saciid Deni ku deeqay, waxaana la bilaabayaa dhismaha bisha danbe kawdeeda".

"Anaga ka dowlad hoose ahaan waa nagu adagtahay in aan lacag badan bixino, laakiin sadexda bil ee soo socota, bil kasta 30 kun oo dollar ayaan siinaynaa, wadarna waa 90 kun oo dollar," ayuu ku daray

Cabdisamad ayaa isna goobta wuxuu ka sheegay: "Hadii Madaxweynihii balan-qaaday maxaad sugaysaan oo aan faduul ahayn, awal waxaad oran jirteen Boosaaso waxba looma qabto".

Dadweynaha ayaa is-waydiinaya sababta uusan u fulin balanqaadkii madaxweyne Deni ee dhismaha garoonka Boosaaso, iyadoo la ogyahay in garoomada Garowe iyo Galkacyo lagu dhisay isku tashi dadwayne oo ay maamulayeen kharashka guddiyo laga soo xulay bulshooyinka magaalooyinkaas.

Su'aallaha shacabka maanka ka guuxaya waxaa kamid ah haddii balanqaadka uu kaliya ahaa afka baarkiisa ama olole ay mas'uuliyiinta doonayeen in ay kor ugu qaadaan sumcada madaxweynaha.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Baydhabo lagu daahfuray garoonka kubada cagta ee Dr Ayub, balse Shacabka Boosaaso waxay laga dhur-sugayaa in ay isku tashi muujiyaan ayna dhistaan garoonka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM